المدة الزمنية 4:49

HEES | Dhayal Uma Gam'o | Xaliimo Cabdi Afweyn | ▪︎Original | Lyrics

بواسطة MAADEYS
30 598 مشاهدة
0
224
تم نشره في 2020/09/07

Lyrics --------------- Sida dad is dhaloo Dhoofiyo baryahaa Dhul ku kala maqnaa Oo dhaadis li'i Mowluhu dhawaan Kulantidaa dhex dhigay Dhuuntiyo wadnaha Dhexda iyo gamcaha Ma is dhaafsannaa Adun baa ku dheehdaaye Dhaban dhinac Hurdo maba dhigee Dhanna uma ladee Dhayal uma gam'ee ................................ Naf jaceyl dhuftuu Dhaansaday wadnaha Dhibi kuma yaree Dhalanteed riyaa Markuu ii dhigaan Dhab ka moodayaa Waad igu dhantahoo Dhuuxiyo lafahaad I dhalaalisee Adun baa ku dheehdaaye Dhaban dhinac Hurdo maba dhigee Dhanna uma ladee Dhayal uma gam'ee :::::::::::::::::::::::::::::::::::: Mahad Celin : Cabdalla Hillaac

الفئة

عرض المزيد

تعليقات - 33